BREAKING NEWS

Dowladda oo ciidan dheeraad ah ku biirisay howlgalka Al shabaab iyo kuwa Jubbaland oo duulaan ku qaaday kooxda

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhawaan Turkiga kusoo tababartay ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyinka hoostaga.

Howlgalka ayaa ka dambeysay kadib markii xalay rag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmadaas,waxana Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay sika difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Wararku ayaa ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda oo wata hubka noocyadiisa kala duwan iyo Gaadiidka dagaalka lagu arkayo degmada Awdheegle iyo tuulooyinka ku dhow dhow oo la aaminsan yahay inay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay shegeen in howlgalka uu socon doono ilaa Ciidamada Dowladda ay gacanta uga dhigayaan deegaannada iyo degmooyinka ay weli Gobolkaasi Shabeellaha Hoose kaga suga yihiin Ururka Al-Shabaab.

Dhanka kale Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen tuulooyinka Qudus iyo Beerxaani oo dhinaca Galbeed 70km ka xiga Magaalada Kismaayo  halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay in uu Ciidamada ku amray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, waxaana saraakiisha hoggaamineysa oo Saxaafadda la hadlay ay sheegeen in howlgalkaas lagu dilay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intasi ku dareen in deegaannada ay howlgalka ka fuliyeen ay Al-Shabaab ku diyaarinayeen Ciidamo badan oo doonayay inay weeraro ka geystaan deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolada Jubbooyinka majiraan dhankooda Al-Shabaab wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan in Xubno ka tirsanaa looga dilay howgal laga fuliyay Jubbada Hoose.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top