BREAKING NEWS

Madaxweyne Farmaajo “ Garoonka Banaadir waxaan ugu magac darnay Marxuum Yariisow”

Kulan loogu duceynayo Allaha u naxariistee Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo ahaana Duqii magaalada Muqdisho ayaa saaka ka biloowday garoonka Banaadir.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxda ugu sareysa dalka, xildhibaano, Wasiiro iyo Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xasuusan doonto geesinimadii Yariisow ee Adeegga bulshadda.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir loogu maga daray Cabdiraxmaan Yariisow.

“Waxaan ugu magacdarnay C/raxmaan Yariisow Garoonkan Kubadda Cagta, naftiisa ayuu u huray dalka, qofka kasta oo Halyey ah oo dalkaan wax ku kordhiya sidaas ayaa u xasuusaneynaa” ayuu yiri Wari Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa garoonka ka socota munaasabad duco ah oo Marxuum Yariisow loogu duceynayo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top