BREAKING NEWS

Madaxweynihii Galmudug oo ku dhawaaqay inuu doorashada soo socota ka tanaasulay

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda Madaxtinimada maamulka Galmudug,islamarkaana uusan ka mid noqon doonin Musharaxiinta.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug xilliggaan ay wajaheyso Xaalad adag oo u baahan in lala shaqeeyo shaqsigii loo doorto Madaxweynaha Galmudug, islamarkaana aan la mucaaradin

Waxaa uu sheegay in Mucaaradka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay lugaha ku dhageen labadii Sano ee uu ahaa Madaxweynaha Galmudug isagoo sheegay in uu waxbadan ka qabtay dhanka dib u heshiisiinta.

Hadalka Madaxweyne Xaaf ayaa yimid xilli maalmihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu ka mid noqon doono Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ka dib markii uu heshiis la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya oo Muddo dheer uu khilaaf kala dhaxeeyay.

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top