BREAKING NEWS

Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka hor yimid baaritaankii ay dowladda soo bandhigtay iyo Bancroft oo…

Safiirada Soomaaliya u jooga wadamada UK iyo U.S ayaa ka hor yimid baartitaan ay sheegtay in dowladda ay kus ameesay qaraxii ka dhex dhacay xafiiska Gudomiyaha gobalka Banaadir oo Duqii Caasimadda iyo Gudoomiyeyaal dagmo ay ku dhinteen.

Safiirada oo awood xoogan ku leh siyaasadda Soomaaliya ayaa Dowladda Federalka ku canaantay baaritaan liito iyo iney qarisay xog badan oo la doonayay.

Waxaa sidoo kale Mareykanka iyo Ingiriiska ay weydiiyeen dowladda sababta aan loo xirxirin shaqsiyaad badan oo la tuhmayo ama aan xilka looga qaadin qaar badan oo maalinkaa ka maqnaa shirka.

Sidoo kale dalalkan ayaa dowladd Soomaaliya u sheegay in baaritaanada lagu wareejiyo Bankroft ciidan ka socda kuwaa oo hadda howlgalka ku jira isla markana baaray kursigii ay ku fadhisay gabadha la sheegay iney camoosha aheyd oo ay is qarxisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa weyday wax ay ku qanciso safiirtadan UK iyo U.S oo iayago si aad ah ula socda xaaladda dalka.

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top