BREAKING NEWS

Dalal Ka Tirsan Urur Goboleedka IGAD oo ku heshiiyay in go’doon la geliyo Kenya(XOG CULUS)

Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Lix dal oo ka tirsan Urur Goboleedka ay ku heshiiyeen in la go’doomiyo dalka Kenya ka dib markii ay faragelin toos ah ay ku sameysay doorashada Jubbaland.

Dalalka Urur Goboleedka ka tirsan ee soo jeediyay in la go’doomiyo Kenya ayaa la sheegayaa iney qeyb ka yihiin dalalka Soomaaliya Itoobiya,kuwaasi oo u cuntamiweysay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Xukuumadda Nairobi ka wado magaalada Kismaayo iyo faragelinta doorashada Jubbaland.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa lagu eedeeyay iney toos ah ula safteen Axmed Madoobe oo ah musharax madaxweyne,waxayna Kenya si rasmi ah u shaacisay iney taageereyso in mar kale la doorto Axmed Madoobe.

Dowladda Kenya ayaa dano badan dhaqaalo iyo siyaasadba ku saleysan ku heysata Axmed Madoobe,waxaana loo xagliyaa iney fuliyo danaha gaarka ah ee Dowladda Kenya.

Magaalada Kismaayo hadda waxaa ka taagan Xiisad u dhaxeyso Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM,taasoo salka ku heyso arrimaha doorashada Jubbaland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top