BREAKING NEWS

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho + Sawirro

Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, sida ay goordhow shaacisay hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA,

Qoraal ay NISA soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa lagu sheegay in sarkaalkan oo ka tirsanaa warbaahinta Al-Shabaab laga soo qabtay degmada Howlwadaag.

NISA ma aysan shaacin xilliga la qabtay iyo magaca sarkaalka, hase yeeshee qoraalka ay soo saartay ayaa waxaa la socday sawirrada ninka la qabtay, ayada oo qiyaas ahaan ay da’diisa u muuqato soddon dhammaad ama afartan horraad.

Hay’adda NISA ayaa bilihii dhowaa aad sare ugu qaadday howl-gallada lagu beegsanayo Shabaabka ku dhex jira magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayada oo lasoo qabtay qaar badan oo ka mid ah, oo shaqooyin kala duwan ka dhex hayey kooxdan.

Dadaalladan ayaa hoos u dhigay qaraxyadii iyo dilalkii qorsheysnaa ee kooxda ay ka fulin jirtay gudaha magaalada.

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top