BREAKING NEWS

Wasiiro Caan Ah Oo Xilka Qaadis La Kulmi Kara & Qorshaha Ra’iisal Wasaare Kheyre

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxa laga yaabaa inuu isku shaandheyn sameeyo taas oo Wasiirada qaar laga yaabo inay booskooda waayaan.

Ilo xog og ogaal ah oo la helay ayaa waxay sheegeen in Wasiirada qaar ay macquul tahay in ay la kulmaan jagooyinka ay hadda ku magacaaban yihiin waayaan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Eng, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka mid ah xubnaha la hadal hayo Ee xilka qaadista la kulmi kara.

Sidoo kale Wasiir Cawad oo ay is hayeen muddooyinkii dambe Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa laga yaabaa inuu badelo Wasiirnimada.

Jahwareerka Diblomaasiyada Ee Soomaaliya dhanka dibada ka heysto ayaa la sheegay inay macquul tahay in Shakhsi ku fiican xilkaasi la magacaabo.

Hadii Ay Dhacdo Wasiiradaan inay booskooda waayaan waxay ka dhigan tahay in Labo jeer Wasaaradahaasi la bedeli doono,hore Wasiirka Arimaha gudaha waxaa looga qaaday Xilka Cabdi Faarax Juxaa,iyadoo Wasiirka Arimaha Dibada Hore Xilka looga xayuubiyey Yuusuf Garaad Cumar.

Ma cada xilliga rasmiga ah ee isku shaandheyntani dhici doonto,waxaase lagu saleyn doonaa qancinta Beelaha degga Galmudug oo weli Ra’iisal Wasaaraha ku mashquulsan yahay inuu xaliyo xurgufta ay qabaan Qabaa’ilada.

Beesha Degta Cadaado ayaa markaan loo gacan gelin doonaa Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya,iyadoo hore Xilkaan Reer guriceel isku bad badelayeen Wasaaradaha Ariamha dibada iyo tan Daakhiliga Dalka.

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top