BREAKING NEWS

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Dagaal Iclaamiyay

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay wararka ku aadan in Dowladda Ethopia ay dhexdhaxaadinayso Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayuu beeniyay in Dowladda Itoobiya ay dhexdhexaadineyso Dowladda Federaalka Somaliya iyo Jubbaland, oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu yahay nin galay dembiyo kala duwan, isla-markaana aanay Dowladda Federaalka doonayn inay la hadasho.

Jeesow waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka doonayan inay cadaaladda horkeento Axmed Maxamed Islaam, kaasoo sida uu sheegay si sharci-darro ah xilka ugu soo laabtay.

Dhanka kale Xildhibaan Jeesow oo xubin ka ah Guddiga Amniga ee Baarlamaanka  ayaa sheegay in ay wadaan olole ka dhan ah Ciidanka Militariga Kenya, ee qaybta ka ah Amisom.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top