BREAKING NEWS

Ciidamada dowladda oo howlgallo kawada inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad

Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa saakay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan ayaa ka dambeysay kaddib markii shalay gelinkii dambe Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay agagaarka tuulada Gololeey, iyada oo qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgalka sigaar ah uga wadaan Tuulooyinka laamiga saaran,sida Gololeey, Isgoys ilaa tuulada Qalimow oo 30 KM u jirta degmada Balcad, waxaana dadka wadadaasi ku safraya ay sheegeen in meelaha qaar ay Ciidamadu ka sameynayaan howlgal miino baaris ah.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ee qeybta 27aad weli ma shaacin waxyaabo ay howlgalkaas kusoo qabteen,hayeeshee wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada lagu arkayo, iyaga oo howl,gal culus ka fulinaya wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe..

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay qaarkood ku geeriyoodeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxda Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa dhowr mar waxaa ay ku cel celiyeen in wadadaas amnigeeda siweyn loo sugi doono,hayeeshee weli ay u muuqato mid qaraxyada ay ka dhacayaan,wallow ay yaraadeen weerarada tooska ah ee ka dhici jiray.

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top