BREAKING NEWS

Axmed Madoobe oo tegay Kenya

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa waxa uu Diyaaraad Khaas Ah ku tegay waddanka Kenya.

Diyaarada Axmed Madoobe Raacay ayaa ahayd mid Si Toos ah looga soo Diray Caasimada Kenya Ee Nairobi.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda maamulka Kismaayo ayaa WIdh WIdh Online U Cadeeyay In socdaalka Axmed Madoobe ku tagay Nairobi uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda ugu sareysa xukuumadda fadhigeedu yahay Nairobi.

Xogta aadka loo hubiyey ee ku aadan safarka madaxweynaha ayaa sheegaya in uu la kulmo Uhuru Kenyatta iyo Aadan Barre Ducaale, oo kamid ah hogaamiyeyaasha ugu sareeya waddankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka lagu falanqeeyay xaaladaha iyo doorashooyinka Jubbaland, isla markaana ay isla qaateen in Axmed Madoobe kusii adkeysto mowqifkiisa ku aadan in uusan u dhutin dowladda.

Fahfaahinta kasoo baxeysa kulanka ayaa intaasi raacineysa in mas’uuliyiinta ay isla soo qaadeen qadiyadda badda, wallow aanu wax go’aan ka gaarin arrintaasi, iyadda oo Kenya qarka u saaran tahay guuldaro.

Isku soowada duubo Socdaalkan Axmed Madoobe ku tagay Kenya ayaa meesha ka saaraya hadalkii dawlada fadaraalka soomaaliya ka soo baxay ee ahaa in Diyaarad aan soo marin xamar aysan ka dagi karin kismaayo

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    scroll to top