BREAKING NEWS

Dowlada Kenya oo Diyaarado dagaal usoo iibsatay dagaalka ka dhanka ah Soomaliya

Dowlada Kenya ayaa shaacisay in diyaarado dagaal ay kasoo iibsatay dowlada Mareykanka, waxaana diyaaradahan la filayaa in dhawaan gaaraan dalka Kenya si ay u adeegsadaan ciidamada cirka ee dalkaasi.

Wasaaaradda difaaca dalka Kenya ayaa sheegtay in lix Diyaaradood oo nooca Helicopterka ah loona yaqaan choppers kasoo iibsatay dalka Mareykanka, diyaaradahan ayaana qeyb ka ah agabyo milatari oo ay Kenya soo iibsatay.

War kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in diyaaradahan cusub marka Kenya soo gaaraan loo adeegsan doono dagaalka ka dhaka ah Al Shabaab sidoo kale lagu daabuli doono ciidanka iyo agabkooda.

Madaxa fulinta sharikadda sameysay diyaaradahaas  Lynn Tilton,  ayaa sheegtay in diyaaradahan Kenya gaari doonaan dhawaan marka Kenya loo tababaro duuliyaasha diyaarada iyo shaqaalaha kale ee laga maarmaanka u ah diyaaradahaasi.

Dowlada Kenya ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay soo iibsatay diyaarado dagaal, gaadiidka gaashaaman iyo hub kala duwan si ay ugu adeegsato dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo dalkaasi halis badan ku haya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top