BREAKING NEWS

Guddoomiye Iimaan Cadow Kaarshe oo aad ugu dhow Axmed Madoobe oo lagu qabtay garoonka Muqdisho

War hadda naga soo raaya garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu hayo guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo Iimaan Cadow Kaarshe, sida ay Widh WIdh Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku sugan garoonka.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa waxaa laga reebay diyaarad u socotay magaalada Garbahaarey oo uu garoonka ka raaci lahaa, waxaana u yimid ciidamada amniga oo siiyey warqad ay u ku qoran yihiin amaro sheegayo in laga doonayo saldhig ku yaalla garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in Iimaan Cadow hadda lagu hayo laguna wareysanayo saldhiggaas, mana cadda waxa lagu haysto ee duulimaadka loogu reebay.

Iimaan Cadow Kaarshe ayaa ka mid ah xubnaha aadka ugu dhow madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, oo dowladda ay dagaal siyaasadeed xooggan kula jirto, waxaana ay u badan tahay in tani ay qeyb ka tahay dagaalkaas.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top