BREAKING NEWS

Nabadoon magaalada Kismaayo ugu dhintay dhaawac ka soo gaaray dabley weerartay

Magaalada Kismaayo waxaa xalay ku geeriyooday Nabaddoon sidoo kalena ahaa Garyaqaan Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar.

Nabaddoonka ayaa 13kii Bishii September lagu dhaawacay Magaalada Kismaayo,waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaaladaas.

Dhaawacii soo gaaray ayuu xalay saqdii dhexe ugu geeriyooday halkaas iyada oo lagu wado in maanta lagu aaso Kismaayo.

Nabaddoonka oo ahaa qof aad u dhaliila Axmed Madoobe ayaa dilkiisa waxaa uu abuuray kala shaki,waxaana Jubaland ku eedeysay Al-shabaab halka ehelkiisa ku eedeeyeen Axmed Madoobe in uu ka dambeeyay.

Waxaa uu ka mid noqday Nabaddoonno dhowr ah oo Kismaayo lagu dilay bilihii ugu dambeeyay iyada oo siyaasadaha isdiiddan ee Kismaayo loo sababeeyay geeridooda.

Dilka Qalyare iyo Suldaan Dhurre oo ka horreeyay ma jirto cid sheegatay, maamulka Jubaland ayaase ku eedeeyay AL-shabaab.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top