BREAKING NEWS

Adan Barre Ducaale Oo jebiyey amarkii Dowladda toosna uga Degay Kismaayo{Akhriso}

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu horkacayey ayaa goor dhow toos uga dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Aadan Barre Ducaale oo ah Soomaali Kenyaan iyo wafdigiisa waxaa Kismaayo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha iskii isu cimaamaday Jubbaland, (Axmed Madoobe).Qarandumiye

Wafdiga ka socda Kenya ayaa ka qeyb galaya xafladda caleema saarka, Madaxwaynaha isagu iscimamaday Axmed Madoobe oo saacadaha soo socda qabsoomi doonta.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad yar oo nooca Focker ah oo toos uga soo qaatay wafdigan garoonka Jomo Kenyatta ay ku tageen halkaasi.

kenya aya wada faragalin toos ah Aarimaha Somaliya

Dawalada federalaka aya ka jawabi doonyta sida ugu dhakhsaha badan fara galinta tooskaa ay wado kenya wakhtiyadan soo socda

Waa markii labaad oo ay dowladda Kenya jabineyso xayiraada ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya saartay hawada Kismaayo.

Sidoo kale dowladda dhexe ayaa horay ugu dacweysay Kenya hay’adda hawada Qaramada Midoobey ee ICAO, kadib markii diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ka soo duushay Nairobi ay ka dagtay Kismaayo.

Soomaaliya iyo Kenya oo markii hore isku hayey arrinta Badda, ayaa waxaa hadda  xiisada sare u sii qaaday caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay horay dowladdu u qaadacday doorashadiisii.

warbaahinta widhwidhonline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top