BREAKING NEWS

Faah faahin: Nin hubaysnaa oo lagu toogtay Dhuusamareeb.{Akhriso}

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho xalay ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Toogashada ayaa timid, kadib markii nin hubeysnaa uu isku dayey inuu xoog ku galo gudaha saldhigga Booliska magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Booliska Saldhigga ay toogasho ku dileen ninkaasi, kadib markii uu diiday inuu istaago.

Lama oga illaa iyo hadda waxa uu ahaa shaqsigaasi iyo sidoo kale waxa uu damacsanaa.Valueimpression Placeholder

Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Ammaanka Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii dambe la xoojiyey, iyadoona la filayo in dhowaan lagu qabto doorashada Galmudug.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top