BREAKING NEWS

Maraykanka Oo Ciidamo Cusub usoo Diray Soomaaliya iyo{Akhriso}

Dowladda Mareykanka ayaa diyaarisay ciidan cusub oo dirayo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, Waxaana ciidankan laga soo sagootiyay Saldhigga Gobolka Oregon  ee dalka Mareykanka.

Ciidamadan oo tiradooda gaadhayso ilaa 450 Askari oo ka mid noqonaya Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, Waxaana laga dejin doonaa dalka Jabuuti waxaana kaddib loo soo wareejin doonaa Soomaaliya sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ee ku soo wajahan Soomaaliya ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin guutada 186aad ee Ciidanka lugta dalka Mareykanka, Waxana  qeyb ka noqonayaan howlgalka u adkeysiga xorriyadda ee uu Mareykanka ka wado Soomaaliya.

Paula Adams , oo ka mid ah Waaliddiinta Askarta ka loo soo dirayo Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay howlgalka uu ku biiray wiilkiisa,waxaa kale oo uu rajo wanaag u muujiyay Ciidamada qeybta ka ah howlgalkaas.

Tobanka bilood ee soo socota ayey ka howlgeli doonaan Soomaaliya waxaana beddelaya qeyb kale oo uu Mareykanka u diyaariyay Afrika.

Al-shabaab ayaa 30kii September weerar ku qaaday Garoonka diyaaradaha Balli doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose halkaas oo ciidamada Mareykanka ah ay ku leeyihiin saldhiggooda ugu weyn kuna tababaraan Ciidamada DANAB ee Soomaaliya, Iyadoo dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay sheegeen  in ay fashiliyeen weerarkaas islamarkaana ku dileen 10 ka mid ah Alshabaab.  

WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top