BREAKING NEWS

Kal-fadhiga Baarlamaanka Oo Maanta Furmaya iyo Mooshinka Ciidanka Kenya !{Akhriso}

Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Muqdisho ku yeeshaan kulanka ugu horreeya kalfadhiga 6aad ee uu dhawaan furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Framaajo.

Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Golaha shacabka ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in la horgeeyo mooshin ka dhan ah Ciidanka Kenya ee ku jira Gudaha Soomaaliya.

Xildhibaannada Mooshinka ka dhanka ah Kenya wada waxaa ka mid ah Cabdi Shire Ciyaar Jecel, Maxamed Cumar Dhalxa, Daahir Amiin Jeesow iyo kuwo kale.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay dhibaato ku hayaan Siyaasadda Soomaaliya iyo Dhibaateynta dadka rayidka ah ee Jubooyinka ay ku dhibaateeyaan.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Kal-fadhiga Baarlamaanka Oo Maanta Furmaya iyo Mooshinka Ciidanka Kenya !{Akhriso}”

    1. Microprestamos Rapidos Creditos Personales Urgentes https://prestamosonline.space/lawrenceburg-tn/ Calcular Prestamo Personal Cuenta Prestamos Prestamos Personales Facil Y Rapido

    Comments are closed.

    scroll to top