BREAKING NEWS

Kooxda Ahlu Sunna Oo La Wareegtay Garoonka Dhuusmareeb

Ciidamo kamid ah Kuwa Kooxda Ahlu Sunna ayaa la wareegay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb oo hore loogu wareejiyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ahlu sunna Amisom iyo dawlad Fadaraalka.

Madaxda Ahlusunna oo khilaaf xoogani kala dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidamadaasi taabacsan yihiin, waxaana ay amar ku bixiyeen saraakiisha hogaaminaysa ciidamada in aysan cidi ka duulin garoonka cidna kasoo dagin.

Gaadiid dagaal oo aad u tira badan iyo madaafiic kala duwan ayaa gudaha loola galay garoonka Dhuusamareeb, waxaana ciidamadu ay xooga saarayaan in ay baajiyaan safarka xubno ka socda dowladda iyo Ra’iisal wasaare Khayre oo kusoo wajahan Dhuusamareeb.

Xiisadaha ka dhex aloosan Ahlusanna iyo dowladda dhexe ayaa sii xoogaysanayey muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaana cirka isku sii shareerayey xurgufta siyaasadeed xili madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay gudida farsamada shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo ay hore u magacowday wasaarada arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya taas oo sababtay in arintu cirka gasho.

Xubnihii uu magacaabay Sheekh Shaakir ayaa qaarkood ay is casileen kadib markii dowladdu ay dul dhigtay lacago badan, waxaana Ahlusunna ay kusii adkaysanaysaa mowqifkeeda kaas oo sababi kara in uu sii xumeeyo xaalada.

Ra’iisal wasaare Khayre laftirkiis ayaa Dhuusamareeb u tagi lahaa sidii Ahlusunna uu uga dhaadhacin lahaa qorshaha madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon ee loo dhisi karo Galmuudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre ayaa diirada saaraya Galmudug in madaxweyne uu noqdo shakhsi ay iyagu wataan si cadaadisyada ka saaran maamulada kale ay iskaga dajiyaan taas oo Ahlusunna aysan ku qanacsanayn

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Kooxda Ahlu Sunna Oo La Wareegtay Garoonka Dhuusmareeb”

    1. oprolevorter says:

      Hello There. I found your blog using msn. This is a really well written article. I will make sure to bookmark it and come back to read more of your useful info. Thanks for the post. I’ll definitely comeback.

    2. Ward Towe says:

      I’ve been browsing on-line more than three hours as of late, but I by no means found any attention-grabbing article like yours. It?¦s pretty worth sufficient for me. In my view, if all webmasters and bloggers made just right content as you did, the net can be much more useful than ever before.

    Comments are closed.

    scroll to top