BREAKING NEWS

Xubno ka mid ah Jamhada SuldaanWabar Ee AWDAL Oo Ugacan galay ITOOBIYA.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline

 Warar hadda na soo gaaraya ayaa sheegaya in qaar ka tirsan Jabhadii Suldaan Wabar ay dowladda Itoobiya gacanta ku dhigtay, kadib markii ay xadkeeda u gudbeen.

Ciidamadaasi ka tirsan Jabhada Wabar ayaa waxa la sheegay in kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, ay qaarkood ka gudbeen xadka Itoobiya, midaasi oo dowladdaasina u sahashay inay gacanta ku dhigaan.

Somaliland ayaa dowladda Itoobiya ka dalbatay in ay u soo gacan galiso labo ka tirsan ciidamada Suldaan Wabar oo ay gacanta ku hayso, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi.

Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Somaliland ay dalbatay in ragaasi gacanta lagu soo dhigo kadib markii ay dowladda Itoobiya ku wargelisay in xuduudkooda u soo gudbeen ragaasi oo kamid ahaa Ciidamo ka tirsan Jabhada Wabar oo weerar ku qaaday saldhiga dhexe ee Boorama.

Weerarka ay Ciidamada Jabhada Wabar ku soo qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama ayaa noqonayo midkoogi ugu horeeyay ee ay soo qaadan kadib rogaal celintoodi, iyadoona ay ugu dambeysay weerar dagaal oo ay gudaha Somaliland ka fuliyaan 2017-kii.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Xubno ka mid ah Jamhada SuldaanWabar Ee AWDAL Oo Ugacan galay ITOOBIYA.{Akhriso}”

    1. Thank you for the auspicious writeup. It in fact was a amusement account
      it. Look advanced to far added agreeable from you!

      By the way, how could we communicate?

    2. Great post. I was checking constantly this blog and I am impressed!
      Extremely useful info specifically the last part :
      ) I care for such info much. I was looking for
      this certain information for a very long time. Thank you and
      best of luck.

    Comments are closed.

    scroll to top