BREAKING NEWS

Dib u dhac ku yimid safarkii madaxdii dalka soo martay Baladweyne

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay ka baaqdeen Safarkii Maanta ay ku tegi lahaayeen Magaalada Baladweyne,si ay gurmad u gaarsiiyaan dadkii uu saameeyey fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan.

Sababaha ay uga baaqsadeen safarkooda Magaalada Baladweyne ayaa waxaa kamid ah Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas oo u xirmay roob in ka badan Sideed saacadood ka da’ayay Magaada Baladweyne iyo deegaannada hoostaga.

Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare iyo Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay inay aaduga xun yihiin in uu dub u dhac ku yimaado safarkii ay Maanta ku tegi lahaayeen Baladweyne.

Waan ka xunnahay Safarkeenii maanta lagu tagi lahaa Beledweyne iyo Berdaale oo dib udhac kuyimid kadib markii xaley ilaa saaka ay roobab xoogan kadaen taas oo sababtey in Airport ka Beledweyne diyaaraduhu ay kutagi karin ayuu yiri”Sanoter Ilyaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyana lagu waday in Maanta ay diyaarado gargaar sida u dirto Magaalooyinka Baladweyne iyo Bardaale,hayeeshee uu saameyn ku yeelan karo Roobka xiray Garoonka Magaalada Baladweyne.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    3 Replies to “Dib u dhac ku yimid safarkii madaxdii dalka soo martay Baladweyne”

    1. I don’t ordinarily comment but I gotta state thankyou for the post on this amazing one : D.

    2. vurtil opmer says:

      Hey this is kinda of off topic but I was wanting to know if blogs use WYSIWYG editors or if you have to manually code with HTML. I’m starting a blog soon but have no coding expertise so I wanted to get advice from someone with experience. Any help would be enormously appreciated!

    3. vurtil opmer says:

      Hi , I do believe this is an excellent blog. I stumbled upon it on Yahoo , i will come back once again. Money and freedom is the best way to change, may you be rich and help other people.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top