BREAKING NEWS

Ciidamo badan oo ka goostay Jubbaland oo ku biiray Ciidanka milatariga Soomaaliya

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka amar qaadanayay maamulka Jubbaland ay soo goosteen kuna biireen ciidamo kale oo milatari ah oo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya.

Ciidamada ka goostay maamulka Jubbaland oo katirsanaa Daraawiishta ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin 150-askari, ciidankan ayaana ku hubeesan gaadiid dagaal iyo hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan kasoo goostay Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa horey ugu sugnaa degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxa ayna u goosteen dhinaca degmada Luuq halkaas oo lagu soo dhaweeyay.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin ciidankan ka goostay kuna biiray dhinaca ciidanka dowlada federaalka ka amar qaata. waxa ayna arintan imaaneysaa xili khilaaf xoogan ka dhax jiro dowlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    2 Replies to “Ciidamo badan oo ka goostay Jubbaland oo ku biiray Ciidanka milatariga Soomaaliya”

    1. vurtil opmer says:

      I am really impressed with your writing skills as well as with the layout on your blog. Is this a paid theme or did you modify it yourself? Either way keep up the nice quality writing, it’s rare to see a great blog like this one nowadays..

    2. vurtil opmer says:

      Hey there! I could have sworn I’ve been to this blog before but after reading through some of the post I realized it’s new to me. Anyhow, I’m definitely glad I found it and I’ll be bookmarking and checking back often!

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top