BREAKING NEWS

DF-Soomaaliya Oo Bixinaysa Ruqsadii Ugu Horaysay ee Shidaalka [Warbixin]

warbaahinta WidhwidhOnline

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Bisha December ee sanadkan ay bixineyso ruqsaddii ugu horreysay ee shidaal baadhis ah lana siinayo sharikadaha ka shaqeeya soo saaridda shidaalka.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka xukuumadda Soomaaliya C/Rashiid Maxamed Axmed ayaa hadalkan shalay ka sheegay shir looga hadlayay shidaalka Afrika oo ka dhacay dalka Koofur Afrika.

Cabdirashiid ayaa sheegay in Bisha December ay dowladda Soomaaliya bixineyso ruqsadda 15 Xermo oo shidaalka Soomaaliya ah.

Waxaa uu Wasiirku sheegay in xog ururin horay looga sameeyay 15ka Ceel lagu ogaaday in ay ku jiraan 30 Bilyan oo Barmiil, islamarkaana ay ka faa’deysan doonto Soomaaliya.

Wasiirka ayaa shirka ka sheegay in ceelashaas shidaalka ee ruqsaddooda la bixinayo Bisha December ay aad uga fogyihiin biyaha Soomaaliya ee ay Kenya muranka gelisay islamarkaana dacwaddeeda taallo Maxkamadda ICJ.

Arrintan ayaa suuragelineysa in sharikadaha ExxonMobil iyo shell ay dib ugu soo laabtaan dalka kaddib burburkii dowladdii Kacaanka.

Labada shirikadood ayaa bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ku wareejiyay lacag dhan $1.7Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo la xiriirta arrintan,waxaana dhiman sharciyada iyo heshiisyada.

“Marka wax kasta la waafajiyo sharciga, labada sharikadood sida ugu dhaqsiyaha badan ayey dalka ugu soo laabanayaan ayuu hadalkiisa raaciyay”Wasiirka Batroolka Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    19 Replies to “DF-Soomaaliya Oo Bixinaysa Ruqsadii Ugu Horaysay ee Shidaalka [Warbixin]”

    1. i99bet says:

      Saved as a favorite, I really like your site!

    2. Write more, thats all I have to say. Literally,
      it seems as though you relied on the video to make your point.

      You clearly know what youre talking about, why waste your intelligence on just
      posting videos to your weblog when you could be giving us something enlightening to read?

    3. i99bet says:

      I’m amazed, I have to admit. Seldom do I encounter a blog that’s both educative and engaging, and without a doubt, you have hit the nail on the head. The problem is something which too few folks are speaking intelligently about. I’m very happy I stumbled across this during my hunt for something regarding this.

    Comments are closed.

    scroll to top