BREAKING NEWS

Somalia iyo 4 dal oo kale oo wada qorshe dhaqaale oo ku kacaya 15 bilyan dollar.{Akhriso}

Warbahinta WidhwidhOnline

 Shan wadan oo Geeska Afrika ku yaalo ayaa isla sahminayaan qorshe wadareed dhaqaale lagu rabo in lagu soo saaro raasumaal $15 bilyan gaarayo si dhaqaalaha kobac u sameeyo sidoo kalena ganacsiga iyo hormarka dadka gobolka ku nool saare loogu qaado.

Hindisahaan dhaqaalaha sare loogu qaadayo waxaa ku mideesan dalalka Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti iyo Eriteria, waxayna heshiis rasmi ah wada gaareen bishii hore ayadoo goob joog ay u ahaayeen World Bank Group/IMF kulankii sanadlaha ahaa ee Washington DC ka dhacay.

Sida uu sheegay Bangiga Hormarinta Afrika (African Development Bank) hindisaha kobaca dhaqaalaha shantan dal ku heshiiyeen wuxuu ku saleesan yahay afar ahmiyadood in mudnaanta kowaad la siiyo oo kala ah: hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha isku xiraan dalalkan dariska ah, sare in loo qaado ganacsiga iyo is dhexgalka dhaqaalaha, in la dhiso qorshe dhaqaale oo waaro kaasi oo abaaraha iyo hoos u dhaca dhaqaale looga hortagaayo iyo ugu dambeyntii in la xoojiyo hormarka aadanaha iyo tacliinta.

Si loo hirgaliyo qorshaha lagu heshiiyay waxay u baahanyihiin dalalkaas $15 bilyan oo hormarka lagu heshiiyay lana hiigsanayo lagu gaaro.

Khaled Sherif  oo ah Madaxweyne ku xigeenka African Development Bank wuxuu ku tilmaamay heshiiska ay dalalka wada gaareen mid istaaraatiiji ah sidoo kalena xambaarsan keed dhaqaale oo laga faa’iideesan karo.

Khaled Sherif wuxuu yiri “Geeska Afrika Juqraafi ahaan waa istaraatiiji muhiim ah madaama dalalkaas maraan Badda Cas, Badda Carbeed, Badweynta Hindiya iyo Gacanta Gulf-ka waa goobo muhiim u ah socdaalka gobolka iyo mid caalamka sameeyaan.”

“Haddii laga faa’iideesto oo is dhexgal sax ah la sameeyo waxaa ka dhalan karo awood dhaqaale oo adkeysi leh sidoo kalena balan qaadi karto in waji cusub oo barwaaqadiisa wato dalalkaas gali doonaan waxayna ka caawin doontaa dalalkaas inay faa’iidada iyo kobaca dhaqaale isla qeebsadaan sidoo kalena hindisaha nabadda hadda la wado waa mid in badan gobolka dan weyn ugu jirto” ayuu sii raaciyey.

Inta badan dalalkan geeska Afrika ku yaalo ee wada heshiiyeen waxay sameeyeen kobac dhaqaale oo qaarada inteeda kale laga dareemay sanadkii hore 2018. Wax soo saarka gudaha Afrika sanadkii hore 3.5% ayuu sida guud sare u kacay, waxaana xusid mudan in Itoobiya kobaceeda gaaray 7.7% wax soo saarka gudaha, halka Jabuuti gaareen 5.6%, Kenya 5.9% iyo Eritrea 4.2% gaareen. Marka laga reebo Soomaaliya oo kabaceeda ahaa 2.9% inta kale kobac dhaqaale oo xoogan ayay sameeyeen.

Warbaahinta WidhwidhOnline

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    One Reply to “Somalia iyo 4 dal oo kale oo wada qorshe dhaqaale oo ku kacaya 15 bilyan dollar.{Akhriso}”

    1. vurtil opmer says:

      I and my buddies appeared to be taking note of the great secrets found on your web blog while then got an awful feeling I never expressed respect to the web site owner for them. The ladies are already certainly stimulated to read through them and have certainly been making the most of these things. Thank you for genuinely really helpful as well as for picking this kind of remarkable subjects most people are really wanting to know about. My very own honest apologies for not expressing gratitude to you earlier.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top