BREAKING NEWS

Duufaano uu Kiciyay Dani iyo Maamul Goboleed Cusub oo Ka Qarxay Deegaanada SSC.(DAAWO HEES CUSUB)

Waxaa caawa shir xasaasi ugu socdaa maamuladii la isku odhan jiray Maakhir iyo Khaatumo oo doonaya inay midoobaan, Magaalada Caasimada ee Muqdisho waxaa ka socdo shirar aan horay loo arag oo guux weyne lagana tashanayo aayaha deegaanadaas oo mudo ku jiray mugti weyn oo ah gumaysi ah beelaha Isaaq iyo majeerteen ay samaysteen Somaliland iyo Puntland. waxaana hada laga tashanayaa sidii maamul cusub oo gaadhsiin lahaa guud ahaa deeganadaas

Dhinaca kale beelaha Habaryoonis ayaa iyana doonaya inay ku soo biiraan maamulka cusub ee hada la dhisayo iyaga oo qaati ka taagan Jeegaanta cusub ee maamulka Muuse Biixi wayna doonayaa inay si toos ah ugu biiraan maamulkan hada la dhisayo.

Isku soo wada duubow, hadii uu hirgalo maamulkan cusub ee la dhisayo waxaa shaki ku jirin inuu kala dhantaalmayo maamulada hareeraha kaga dhisan ee Somaliland iyo Puntland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top