BREAKING NEWS

Mareykanka oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Abu Cubeydah

Dowladda Mareykanka ayaa ku gacan seertay guulihii ka dhankaa ahaa Mareykanka ee uu amiirka Al-Shabab Axmed Cumar Abu Cubeydah ku sheegtay muuqaal socday 52 daqiiqo oo uu dhowaan soo duubay.

Taliye ku-xigeenka howl-gallada ee taliska Mareykanka ee Africa AFRCOM, Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in guulihii uu Abu Cubeydah ka sheegtay weerarkii ay dagaal-yahanada kooxda ku qaadeen saldhigga Ballidoogle aysan waxba ka jirin, balse taal beddelkeeda jab weyn lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Castellanos oo warbixin ku qoray shabakadda Military Times, ayaa sheegay in weerarkii dhacay 30-kii September lagu wada dilay dhammaan 15-kii dagaal-yahan ee Shabaabka ahaa ee soo qaaday, kadib markii ay ka hor-tageen ciidmadii Mareykanka ee ilaalada ka

“Waxay lumiyeen noloshooda, hubkooda iyo qalabkooda.” Ayuu yiri Castellanos.

“Saddex baabuur oo walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa qeyb ka ahaa weerarka fashilmay, laba ayagaa is qarxiyey inta aysan saldhigga soo gaarin halna waxaa haleelay gantaal lala beegsaday.” Ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in waxa kaliya ee Mareykanka gaaray ay ahayd hal askari oo miyir doorsamay kadib markii uu ka naxay jugta qaraxa

“Tani waa sababta aysan argagixisada u baahin wax muuqaallo ama sawirro ah oo ay ku caddeyn karaan borobogaankooda inay khasaare gaarsiyeen Mareykanka, sababtoo ah ma jiro wax khasaare ah.” Ayuu yiri Brig. Gen. Miguel Castellanos.

“Ururada argagixisada waxay inta badan beenta iyo akhbaartan aan saxneyn u baahiyaan si ay u xoojiyaan qorshahooda wax burburinta ku dhisan, uguna dhiiri-geliyaan dagaalyahanada ay qoranayaan. Si gaar ah, tani waxay inta badan dhacdaa marka khasaaraha uu ayaga ku badan yahay, uuna gabalkooda sii dhacayo. Tani waa xaaladda iminka ee Al-Shabaab.”

Brig. Gen. Miguel Castellanos ayaa sheegay in Al-Shabaab “ay sii wadi doonto inay been baahiso, balse xaqiiqda dhulka ka jirta ay taas ka duwan tahay.”

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    6 Replies to “Mareykanka oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii ka soo yeeray Abu Cubeydah”

    1. Write more, thats all I have to say. Literally, it seems as though you relied on the video to make your
      point. You definitely know what youre talking about, why waste your intelligence on just
      posting videos to your site when you could be giving
      us something informative to read?

    2. ps4 games says:

      Aw, this was an extremely good post. Taking a few minutes and actual effort to create a very good article… but what can I
      say… I hesitate a whole lot and never seem to get nearly anything done.

    3. It’s really a nice and useful piece of information. I
      am glad that you shared this useful information with us. Please keep us up to date like this.
      Thanks for sharing.

    4. magnificent post, very informative. I wonder why the opposite specialists of this sector
      don’t realize this. You should proceed your writing.

      I am confident, you’ve a huge readers’ base already!

    5. ps4 games says:

      Wonderful blog! I found it while browsing on Yahoo
      News. Do you have any suggestions on how to get listed in Yahoo News?
      I’ve been trying for a while but I never seem to get there!
      Thanks

    6. ps4 games says:

      I got this web page from my buddy who shared with me on the topic of this
      website and at the moment this time I am visiting this web page and reading very informative articles
      or reviews at this time.

    Comments are closed.

    scroll to top