BREAKING NEWS

Halyeey Yaya Toure Oo Xiddig Haatan Manchester United Ka Tirsan Ku Sifeeyay Midkii Ugu Adkaa Ee Uu Wajahay & Kooxda Uu Kusoo Dhibay. {Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline :

Intii lagu gudo jiray waayihiisa ciyaareed, Khadkii dhexe ee xulka Ivory Coast iyo kooxda Manchester City waxa uu kahor yimid ciyaartoy badan oo heer caalami ah balse haatan ayuu shaaca ka qaaday midkii ugu adkaa isaga ahaan.

Yaya ayaa wakhti aad u qurux badan lasoo qaatay Sky Blues isaga oo mudo kasoo mid ahaa tiirarka ugu muhiimsan ee ay kooxdaasi ku taagan tahay kahor imaatinka Pep Guardiola oo ka diray Etihad Stadium.

Toure ayaa haatan ka ciyaara horyaalka China balse waxa uu doonayaa inuu markale kusoo laabto Premier League kahor dhammaadka waayihiisa sida uu ku sheegay waraysigan uu siiyay The Times.

Yaya oo The Times uga warramaya ciyaartoygii ugu adkaa ee uu wajahay waayihiisa ciyaareed ayaa shaaca ka qaaday inuu ahaa khadka dhexe ee haatan ee Manchester United ee Nemanja Matic.

Matic ayaa Yaya kusoo dhibaateeyay wakhtigii uu Chelsea ku sugnaa iyadoo la xasuusto kulamo badan oo uu aamusiiyay Yaya oo kamid ahaa khadadka dhexe ee awooda iyo gool dhalinta isku darsaday.

Warbaahinta WidhwidhOnline:

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top