BREAKING NEWS

“Ma Odhan Kartid Liverpool England Ayay Qabsan Doontaa, Man United Way Soo Laaban Doontaa, Man City Mudo Dheer Ayay Sii Jiraysaa. {Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline:

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayuu kasoo yeedhay hadal aysan jeclaysan doonin jamaahiirta kooxdiisii hore ee filanaya in kooxdooda oo haatan xooganaatay ay mudo ku raaxaysan karto qabsashada kubadda cagta England.

Liverpool ayaa horumar ku hoos samaysay tababare Jurgen Klopp, Walow aysan wali ku guuleysan koobab maxali ah sanadihii ugu dambeeyay haddana waxa ay sanadkan gudhiisa ku guuleysteen tartanka UEFA Champions League.

Image result for Graeme Sounes"

Reds ayaa xilli ciyaareedkan ku hamiyyaya inay iska soo af-jaraan abaarta 30-ka sano jirta ee kasoo haysatay ku guuleysiga horyaalka England kaddib markii ay xilli ciyaareedkii hore faro cidiyahood ugu waayeen Manchester City.

Haatan Liverpool ayaa hoggaanka horyaalka siddeed dhibcood ku haysa balse Souness ayaa aaminsan in kooxdiisii hore aysan heli doonin fursad ay mudo ku maamusho PL oo ay kooxaha la tartamayaa soo hub urursanayaan.

Graeme waxa uu qabaa in Man United ay dib u dhaca galay kasoo laaban doonto, Manchester City mudo sii xooganaanayso isla markaana ay Chelsea heshay da’yar fiicnaan kara sanadaha soo socda.Advertisements

Souness oo la hadlayay Daily Mirror ayaa yidhi “Waligaa ma odhan kartid waxa ay geli doonaan wakhti qabsasho ah sababtoo ah waa inaad eegto Manchester City, Waxay sii jiri doonaan mudo dheer”.

“Waxa jira soo bixitaanka da’yar Chelsea ah, Miyay iyagu sii fiicnaan doonaan dhawrka sano ee soo socda? Manchester United-na way soo laaban doontaa, Waa mid la hubo, Waa arrin kaliya ah goorma (Ayay soo laaban doonaan) Sidaas darteed ma odhan kartid Liverpool way qabsan doontaa”

Warbaahinta WidhwidhOnline:

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top