BREAKING NEWS

Taliyaha Ciidanka Boliska Oo ka yaabay Sidii C.raxmaan Cirro ku galay Xarunta Wadani iyo Waxa dhacay.{Akhriso}

Warbaahinta WidhwidhOnline :.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland  oo goor dhowayd Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa sheegay in Cabdiraxmaan Cirro oo dad shacab ah Hogaaminaya ay Xoog ku Jiidheen Ciidamada Booliska oo doonayey inay ka hor istaagaan xarunta Xisbiga Wadani.

Dhinaca kale Taliye Daba-galle ayaa sheegay in Nin Askari ah oo la socday Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu Raasaas ku dhaawacay Taliyihii Saldhiga Bariga, Sidoo kalana uu Jiro Askari kale oo dhagax lagu dhaawacay.

Wuxuu sheegay inay Arimahasi kula Xisaabtami doonaan Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C.raxmaan Cirro.

Gudoomiye Cabdiraxmaan cirro ayaa sheegay inuu ka xunyahay waxa dhacay iyo Rasaasta loo adeegsaday Masuuliyiinta Xisbiga, Wuxuuna ku baaqay in gobolada kale ay Banaanbax isugu yimaadaan, Sidoo kale wuxuu ka hadlay Xadhiga masuuliyiinta Xisbiga Wadani oo uu ku sheegay Fal Argagixiso, Wuxuuna xusay in loo dhaadhiciyey Xabsiga Mandheera.

Dhinaca kale Taliye Daba-galle ayaa sheegay in Nin Askari ah oo la socday Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu Raasaas ku dhaawacay Taliyihii Saldhiga Bariga, Sidoo kalana uu Jiro Askari kale oo dhagax lagu dhaawacay.


Warbaahinta WidhwidhOnline :

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top