BREAKING NEWS

DEG DEG: Qarax Ka dhacay Kismaayo & Faah faahin Hordhac Ah

Qarax jugtiisa meelo badan laga maqlayey ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Kumeel gaarka Jubbaland.

Warar kalal duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa,inkastoo faah faahinadu yihiin kuwo kooban.

Abaare:11:30 Barqanimo ayaana mar keliya dhawaq xoog leh la maqlay,iyadoo Xaafada Siinaay meel ku dhaw Dalcada Siinaay uu qaraxa ka dhacay.

Goob joogayaal ayaa WIdh WIdh Online usheegay in Qaraxa uu ahaa miino dhulka ku jirtay oo keligeed qaraxday.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta gaaray mana jirin wax dhibaato ah oo ka dhalatay.

Amniga Kismaayo ayaa ah mid wanaagsan oo qaraxyada uma badna inkastoo kii ugu khasaaraha badnaa ay Shabaab ka geysteen 12-kii July Sanadkaan markii ay beegsadeen Hoteelka Ex Cas caseey Ee Kismaayo.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    121 Replies to “DEG DEG: Qarax Ka dhacay Kismaayo & Faah faahin Hordhac Ah”

    1. Very well written post. It will be supportive to anybody who employess it, as well as yours truly :). Keep up the good work – for sure i will check out more posts.

    Comments are closed.

    scroll to top