BREAKING NEWS

Hordhac:liverool vs Napoli-Reads Oo doonay Anfeild ku ciqaabto Napoli . {Akhriso}

Liverpool ayaa caawa gurigeeda kusoo dhaweyneysa kooxda Napoli oo ah tan kaliya ee fasalkaan guusha ka gaartay dhamaan tartamada oo dhan, waxeyna isha ku heysaa iney Anfield ku ciqaabto kana aargudato wixii ay ku dhigtay kulankii lugta hore ee labada kooxood.

Labadaan kooxood mid walba waxey u baahan tahay guul si ay u xaqiijiso iney wareega 16-ka tartanka usoo baxday ama in kooxda yar ee Genk ay guul ka gaartay Salzburg, balse natiijada kulanka waa mid mar walba saameyn ku leh usoo bixitaanka wareega xiga.

Liverpool waa kooxda difaacaneysa tartanka, waana markii labaad oo xiriir ah oo ay hal group kula kulanto Napoli, maadaama fasalkii hore ay hal group ku wada jireen.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Napoli

Tartanka: UEFA Champions League

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 11:00 Habeenimo (XGA)

Garsoore: Carlos del Cerro (Spain)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Mohamed Salah uu taam buuxa u yahay kulanka caawa, Robertson oo kulankii Palace si buuxda u ciyaaray isna wax dhibaato ah ma qabo.

Fabinho wuxuu seegi doonaa kulanka Brighton & Hove Albion maadaama uu shan jaale qaatay, waana hubaal inuu kulanka caawa kusoo bilaaban doono.

Xherdan Shaqiri ayaa liiska lagu dari karaa maadaama uu kasoo kabtay dhaawac.

Milk ayaa kulankaan seegaya dhanka Napoli kaas oo shan gool dhaliyay lixdii ciyaar ee ugu dambeysay horyaalka.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool:

Alisson; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Oxlade-Chamberlain; Salah, Firmino, Mane

Napoli:

Meret; Di Lorenzo, Manolas, Koulibaly, Hysaj; Callejon, Allan, Elmas, Fabian Ruiz; Lozano, Mertens

XAQIIQOOYINKA KULANK

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top