BREAKING NEWS

Golaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Somaaliya ayaa Ansixiyay Sharci Dalka Muhiim u’ah.{Akhriso}

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Somaliya oo yeeshay kulankii 17 naad ee kalfadhiga lixaad yaddoo uu shirgudoominayo Gudoomiyaha Aqalka Sare Sanetar Cabdi Xaashi cabdullaahi waxa kaloo Goobjoog aha gudoomiya kuxigeenka aqalka sare Mawliid Xuseen Guhaad

Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka shirkadaha, Akhrinta 3aad ee Hindise sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganaacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee aqalka Sare ayaa Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jawaabay sualihi ay waydiyeen Xubanah Senatorada Golaha oo ku adaan Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud, sidoo kale wasiirka ayaa codsaday Golaha in ay mariyaan akhrinta 3aad ee sharcigaan madaam uu ka mid yahay shuruucda deyn cafiska dalka uu kujiro.

Golaha Aqalka sare ayaa ansixiyey iyagoo marsiiyay Akhrinta 3aad Hindise-Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud. Waxaana Ogaalada 28 senatar, waxaa diiday 1 senator, cid ka amuustayna ma jirto.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top