BREAKING NEWS

Run Mise Riyo Dhismaha Maamulka Warsangali!

Waxaa maalmahan Shirar ku qabanaayay Deegaanada Xiingalool Dhahar Badhan oo ah dhamaan deegaamadaasi kuwa ay dagto beelweynta Warsangali.

Dhoobo daareed oo 12 sano kamid ahaa maamulka puntland, ayaa cadho uu ka qaaday kursigii Barlamaanka Puntland ee laga qaaday waxaana uu abaabulay shirar beeleedyo iyo kulamo ui ku sheegaayo in uu ku dhisaayo maamul Ka madax banaan Puntland iyo Somaliland,

Dhulka uu Dhoobo Daareed ka dhisaayo maamulkaasi islamarkaana shirarkan ku qabanaayo waaa dhul ay labada dhan ka xigan Somaliland iyo Puntland oo labaduba aan ogalayn in Wax maamul ahi inuu dhulkaasi ka dhisto,

Dhoobo Daareed deegaanada u ku sugan yahay Hada ee Xiingalool,Dhahar Badhan waxa ku sugan ciidamada puntland.

Deegaanada Dhahar Xiingalool Badhan, hadii aysan puntland joogi Lahayn Waxaa dhab ah in Barqo-cad somaliland ku duuli lahayd oo Dhoobo daareed Orod ku galilahaa Garowe ama Xamar,

Taas badelkeeda dhulka uu hada ka dhisaayo maamulka islamarkaana kawado siyaasada lidka ku ah puntland waxaa uu hada ku jooga Dhoobo daareed Waa Cududa Ciidamada puntland oo ay somaliland kaga baqayso.

Waxaa markhaati ma doon ah hadii aysan dhulkaasi Ciidamada puntland joogin in sidii dhulbahante loo fashiliyay Dhismihii maamulkooda ay somaliland u fashilin lahayd oo Dulaan dagaal ku qaadi lahayd Shirarka Dhoobo Daareed,

Dhoobo daareed ma qirsan yahay tolow In Awoodda kaliye u saa maxday in uu shirar ku Qabto Dhahar Xiingalool Badhan ay tahay tan putland,

Dhoobo daareed-se ma og yahay in Marka maamul Ka madax Banaan Somalialnd iyo Puntland looga Dhawaaqo dhulkaasi sidii horaba udhacday in Puntland iyo Somaliland isku hiiliyan oo maamulkaasi kuwada qaadan duulaan siyaasadeed iyo mid ciidan sidi khaatumo,

Dhulbahante oo ka ciidan hub iyo deegaan badan warsangali ayaa shirarkii ay ku qabten Taleex.Balicad saaxdheer Intaba waxaa duulan ku fashiliyay Maamulada somaliland iyo Puntland oo aaminsan in dhulkaasi yahay mid iyaga kamid ah.

Ma kula tahay in Dhoobo daareed ka dhisi karo Maamul aysan raaloi ka Ahayn Somaliland iyo Puntland Sadexda Degmo ee Watsangali,?

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top