BREAKING NEWS

War Deg Deg Ah:-Muuse Biixi Oo Galahiisa Wasiira Ku Sameeyay Isku Shaandhayn

Horjoogaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Ku Sameeyay Isku Shaandhayn Golihiisa Wasiirada,

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cismaan Aadan Jaamac, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

[Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

2. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

3. Siciid Sulub Maxamed Xuseen Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

4. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.

6. Mustafe Maxamuud Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Caddaalada.

7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

8. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

9. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

10. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

11. Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top