BREAKING NEWS

Bangiga Amal Bank oo Garoowe ka daahfuray Mashruuc cusub oo ku kacaya lacag dhan 90Malyan oo Dollar.

Bangiga Amal ayaa daahfuray mashruuca xaafada New Garowe taariikhdu markay ahayd 28/11/2019 magaalaada Garowe. Mashruuca Xaafada New garowe ayaa ah xaafad casri ah una naqshadaysan qaab deegaan iyo ganasiga oo leh adeegyadaan.

  1. Goobo Ganacsi, Suuqyo dhamaystiran
  2. Iskuulo iyo xarumo caafimaad oo tayo leh.
  3. Wadooyin laami ah, dhiraysan lehna nalalka cadceeda.
  4. Masaajido, Dugsiyo Quraan.
  5. Goobo cagaaran oo lagu nasto laguna jimicsado.
  6. Biyo iyo Koronto la isku halayn karo.
  7. Ilaalo Joogto ah 24/7, dayr wareegsan iyo xarun Boolis.

Gudoomiyaha Amal Bank Said Ali Shire ayaa sheegin in xaafada New Garowe ay noqon doontaa mid la ilaaliyay tayada guryahay iyo dhismayaasha ayna u riyaaqi doonaan soona jiidan doonto maamiisha iyo dadwaynaha dhamaantood sidoo kale Gudoomiyaha Bangiga Amal Said Ali Shire ayaa iftiimiyay in xaafada New Garowe aysan ahayn mashruuc ku kooban Bangiga Amal ee uu yahay hormar ka dhaxaysa bulshada una furanyahay maalgashi iyo maalgalin intaba.

Xaafada New Garowe waxaa la filayaa inay soo kordhiso deegaamayn iyo maalgashi baaxad leh ayna ka faa’iidaysan doonaan dhamaan bulshada qaybaheeda.

Daahfurka oo dadwayn kala duwan ka soo qayb galen ayaa lagu soo bandhigay naqshada Xaafada New Garowe, qaab dhismeedka, nidaamka iibka iyo habka maalgashiga intaba. Sidoo kale maamulka Bangiga Amal ayaa cadeeyay inuu furay xisaabta maalgashiga (investment account) si macaamiisha uga faa’iidaystaan maalgashiga xaafada New Garowe.

Dhismaha Xaafada New Garowe oo iskugu jira saddex waji (3 Phases) ayaa noqon doontaa in ka badan labo kun (2,000) oo guryo casri ah lehna tayo kuwaas oo ku kacaya hanti dhan $90 million.

Gudoomiyaha Bangiga Amal Said Ali Shire Martida Goob jooga u ahaa daahfurka oo uu ka mid ahaa Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay guryo casri ah ayna tahay hormar wayn oo wadanka kusoo kordhay taas oo loo baahanyhay in laga faa’iidaysto deegeemaynteedana laga qayb qaato.

Sidoo kale Dadwaynaha iyo martida kasoo qabgashay oo hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa amaan balaaran u fidiyay Bangiga Amal hormarka uu wado iyo fursadaha uu u fidiyay bulshada sida maalgalinta iyo maalgashiga mashaariicda dhisamaha, beeraha iyo ganacsiga guud ahaan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    6 Replies to “Bangiga Amal Bank oo Garoowe ka daahfuray Mashruuc cusub oo ku kacaya lacag dhan 90Malyan oo Dollar.”

    1. fotbollströja barn Katie CallumBe Tottenham Hotspurs Tröja Barn TerrellC KeenanVa Katie

    2. This article is truly a fastidious one it assists new the web
      users, who are wishing in favor of blogging.
      Spanien Trøje

    3. Excellent goods from you, man. I’ve understand your stuff previous to and
      you’re just too excellent. I really like what you’ve
      acquired here, really like what you are saying and the
      way in which you say it. You make it entertaining and you
      still care for to keep it sensible. I can’t wait to read much more from you.

      This is actually a wonderful web site. Chelsea Trikot Kinder

    4. I every time used to read article in news papers but now
      as I am a user of net thus from now I am using net for articles, thanks to web.
      Dortmund Trikot Kinder

    5. website says:

      Hello every one, here every person is sharing
      these kinds of know-how, therefore it’s fastidious to read this web site, and I used to pay a visit
      this blog all the time.

    Comments are closed.

    scroll to top