BREAKING NEWS

Caarre’ Oo Weeraray Xalay Saldhiga dhex ee Ceerigaabo Oo Gaystay Qasaaro badan .[‘Akhriso]’

Ciidamo hubaysan oo kamida kooxda Caarre ayaa habeenkii xalay weeraray saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Somaliland ee magaalada ceerigaabo

Weerarka oo xalay kadhacay saldhiga dhexe ee Cerigaabo  ayaa lasheegay inuu sababay dhimasho iyo dhaawaca labada dhinacaba

Ciidamad Somaliland  ee kusuganaa saldhigaas aya lagu soo waramayaa inay markii hore gab’ahaanba saldhiga ka carareen kadib gurmada soo gaadhay dib ugu soo laabteen  saldhigii oo ay jamhadii Caarre biliqaysatay sida ay noo shegeen Dad’xogagaal ah oo ka’agdhawaa

Dadka degaanka ayaa sheegay iney xalay saqdii dhexe maqlayeen rasaas culus oo ka dhaceysa aaga saldhiga Booliska degmada, iyagoo intaas ku daray iney cabsi iyo argagax dareemayeen.

Ciidamada uu hoggaamiyo Col. Caarre ayaa waxaa ay dib ugu laabteen saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top