BREAKING NEWS

Maamulka Puttlnd Oo xidhay Muuse Cali Jeele.{Akhriso}

 Wararka Aanu ka helayano Gobalka Bari ayaa lagau soo waramayaa in marka kale la xidhay Siyaasiga caanka ah Muuse Cali Jaamaca oo kamida ahaa siyaasiyiinta Caankaa ee gobalka bari

Ciidamada ammaanka ayaa  xabsiga u taxaabay siyaasiga oo Joogay  magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Xariga siyaasiga Muuse Cali Jaamac ayaa waxa uu ka mid yahay tiro iyaasiyiin ah iyo odayaal habeenadii la soo dhaafay lagu xiray gudaha magaaladaasi.

Siyaasiyiinta aya yagu ah kuwo kazoo horjeestay xukunka  iyio maamulka Siciid cabdulaahi [Dani} uu hoggaamiyo iyo heshiiskii Puntland ay la gashay shirkadda DP World ee hadda Maamusha Dekedda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Sidoo kale xariga waxgaradkaan ayaa daba socda, kadib markii shirar ka dhan ah Puntland ay ku qabteen Boosaaso, kuwaas oo lagu dhaliilayey hoggaanka maamulkaasi.

Muuse Cali Jaamac oo si weyn mucaarad ugu ah xukuumadda Deni ayaa ah markii labaad ee la xiro, iyadoo dhawaan xabsiga laga sii daayey,markii lagu waayey dambi.

Arrintan ayaa waxa ay sii kicinaysaa  xiisada ka taagan maamulka Puntland, gaar ahaan gudaha magaalada Boosaaso, taas oo ka sii dareysa marba marka ka dambeysa

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top