BREAKING NEWS

Xildhibaan laga saaray Himilo Qaran Oo mawqofkis sheegay. {Akhriso]

Xildhibaan cabdi xakiin Maclin Axamed  oo kamida aha mudanayaasha Golaha shacabka baarlamaanka somaaliya  ayaa kahadlay Go’aanka himolo qaran looga joojiyay Xubinimaddii Xisbigaas

Xildhibaankan oo abartiisa facebuuga soo dhigay qoraalkan  aayaa sheegay inuu soo dhawynayo Tallaabadaasi waxa uu kaloo  sheegay inay waxa badan isku aragti noqon wayeen Arrimo masiir ah sida uu hadalka udhigay

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay isku aragti ka noqdeen arrimaha Galmudug, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Ugu dambeyn wuxuu markale ku celiyey in ciidamo Itoobiyaan ah aan la geyn gudaha magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay in cadeyn loo baahan yahay.

Halkan hoose ka aqriso:

Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin,

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top