BREAKING NEWS

Madaxwynaha Hirshabeelle Oo Qaabilay Wafti kasocota Qaramada Midoobay.[Akhriso}

Madaxwaynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waarre ayaa Xafiiskiis kuqaabilay wakiilo kasocda qaramada midoobay oo soo garay magalada jawhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe

Waftidan uu horkacayo xog’hayaha errgiga qaramada midoobay uqaabilsan Arrimaha Somaliya James Swen iyo Madaxwayne waarre ayaa kawada haddlay Xaalada Guud ee Arimaha Hirshabeelle

Sidoo kale kulanka ayaa intii socday waxaa diirada lagu saaray dadargalinta iyo ka faa’iideysiga mashaariicyada horumarineed ee QM ka fuliso gudaha Soomaaliya.

Waxyaabaha kale ee kulanka lagu qaaday waxaa ka mid ah arrimaha amniga iyo fataahadaha ku dhuftay deegaano ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha HirShabelle oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday QM iyo Midowga Africa inay ka taageeraan dhibaatooyinka uu la daala dhacayo maamukiisa.

HirShabelle oo markii hore wajaheysau dhibaato dhaqaale iyo mid amni ayaa waxaa hadda ugu sii darsamay, fatahaad uu webiga Shabelle ka sameeyey Beledweyne.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top