BREAKING NEWS

Madxwaynaha Puttland Oo Buuhodle Umagacaabay Gudoomiye Dhalinyaro ah.

Madaxwayne Maamulka Puttland Siciid Cabdullahi Deni ayaa Maanta Magaalada Buuhodle umagacaabay Geeleed Caaqil Sanwayne Gudoomiyaha Gobalka cayne ee Puttland

Waxaa Xilkii Laga Qaaday Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Cayn Cabdirisaaq Xaaji Xasan oo Hada ku sugan magaalada Garoowe.

Guuleed Maxamed Nuux ayaa ka mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Gobolka Cayn, Waxaana Arintan ay kusoo beegmaysaa iyadoo dhowaan Wafdi ka socday puntland ay magaalada ka Hirgeliyeen Golle deegaan, kuwaasi oo Hogaankooda loo doortay Dhalinyaro Aqoonyahano ah.

Magaalada Buuhoodle kama jiro Maamul Rasmi ah oo Bulshada kala haga, waxaana inta badan tallada deegaanka Gacanta ku haya Isimada, Waxgaradka iyo Cuqaasha Deegaanka.

Dadka Reer Buuhodle Waxa ay  Rajo wayn kaqabaan Guuleed Caaqil inuu waxa badan kabadali doono Dadka iyo  deeganka madama uu yahay nin dhalin yaro ah islamarkaana waxa kusooo bartay Buuhodle

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top