BREAKING NEWS

Taliye ka tirsan ciidamada Booliska Puntland oo war culus laga soo saaray

Wareegto kasoo baxday xafiiska taliyaha ciidamada Booliska Puntland S/Guuto Muxiyadiin Axmed Aw Muuse ayaa waxaa shaqadii looga joojiyay taliyihii qaybta Booliska ee gobolka Nugaal.

G/Sare Muumin Cabdi Shire oo ahaa taliyihii qaybta Booliska ee gobolka Nugaal ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay amar diido iyo xil gudasho la’aan, isla markaasna waxa uu taliye Muxiyadiin Axmed go’aan ku gaaray inuu shaqo joojin ku sameeyo.

Sidoo kale waxaa la sheegay in taliyaha ciidanka Booliska Puntland iyo taliyaha shaqo joojinta lagu sameeay uu ka dhexeeyey khilaaf xoogan kaasi oo sababay in labada dhinac ay dhex mari waydo wada shaqayn toos ah.

Shaqadii taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Nugaal ayaa waxaa sii wadi doona ku-xigeenkiisa iyo saraakiisha Booliska gobolka Nugaal.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt

    Leave a Reply

    Your email address will not be published.

    scroll to top