BREAKING NEWS

Askari la sheegay in uu Nin dhalinyaro ah u dilay lacag Shan Kun oo Shilin Soomaali ah magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada Hirshabeelle u dilay Shan Kun oo Shilin Soomaali ah mid ka mid ah ganacsatada Kalluunka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dilkan oo ka dhacay gudaha Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar Askari uu weydiistay marxuumka lacag sharci darro ah oo cadadkeeda lagu sheegay Shan Kun oo Shili Soomaali ah, hasse ahaatee muran soo kala -dhaxgalay kaddib uu toogasho ku dilay.
Wiilkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamuud Maxaad oo 33 jir ah , waxaana xiligan magaalada ka soconaya dibadbaxyo ay dhigayaan dad ka carreysay dilka lagula kacay marxuumka.

Ninka toogashada lagu dilay ayaa la sheegay in sidoo kale sanadkii hore Wiil ay walaallo ahaayeen uu xaafadda Horseed ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda waxaana wiilkaa la dilay lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Maxamuud Maxaad.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top