BREAKING NEWS

Madxwayne Dani Ayaa Warbaahintu Su’aal Kawaydisay Sababta Usaxeexiwaayay Dilk Ragii Dilay Caasha Ilyaas .{Akhriso}

Madaxwaynaha Maamulka Puttland ayaa warbaahintu suaala kawaydisaya Sababata uu U’Saxeexi Waayay Ragii Dilaya Caasha Ilayaas

Dani oo su’aashaasi ka jawaabaya, ayaa sheegay in saddexda maxkamadood ee Derejada kowaad, Rafcaanka iyo Maxkamadda Sare ee qaaday Kiiskii Caasha, ay Dhammaantood isku raaceen hal xukun, taasi oo sida uu tilmaamay muujinaysa in xukunkoodu si caddaalad ah u dhacay.

Deni ayaa sidoo kale sheegay, in fulinta xukunnada ay ridaan Maxkamadaha Puntland, aysan wax door ah uga furneyn madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, balse ay go’aanka kama dambaysta ah ka gaarto Maxkamadda sare ee Puntland.

Wuxuu sheegay, in xukuumaddu aysan marnaba fara-geli Karin arrimaha Garsoorka, sidaasi darteedna aysan meelna ka soo gelin xukunnada ay ridaan Maxkamadaha, kuwaasi oo sida uu xusay ku dhammaada go’aanka ugu dambeeya ee Maxkamadda sare ka gaarto.

Hadalkaan ayaa imaanayo iyada oo mudooyinkaan dambe Warbaahinta lagu faafiyay warar sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uu diiday in uu saxiiso toogasho lagu fuliyo eedaysanayaal loo haysto dilkii iyo tacadigii Magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Caa”isho Ilyaas Aadan.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top