BREAKING NEWS

Taliye Kuxigeenka Nabadsugid Shabeelaha Hoose Ayaa lagudilay Muqdisho. {Daawo video}

Taliye kuxigeenka Nabda sugida Gobalka Shabeelaha Hoose Ayaa lagudilaya Magalada Muqdisho


Sarkaalkan ayaa lagu toogtay Xaafada Taleex ee Dagmada Hodan kutoogtay Dablay Hubaysan oo wata Baaskoolado koxdan ayaa looga shakisan yahay inay katirsan yihiin Alshabaab .
Taliyaha ayaa lagu magacaabay Dhaayaw Cusmaan Aadan waxaana lasheegay inuu dhawaan yimid muqdisho

Dhaayow ayaa horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee muddo 6 bil ah maamulayey Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ahaa Taliye ku xigeenka Hey’adda NISA ee SH/Hoose iyo taliyaha Degmada Qoryooley.

Kooxihii Dillka geystay ayaa la sheegay inay isaga baxsadeen goobta, waxaana daqiiqado kadib soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo sidii looga bartay sameeyey baaritaan ku kooban goobta uu falka ka dhacay iyadoo la ogyahay in kooxaha wax dilo ay isaga tagaan guud ahaan goobta.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top