BREAKING NEWS

Yaa Badelay Boqorkii Oman Ee Sultan Qaboos bin Said Al Said {Video}

Haitham bin Tariq Al Saciid ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Hoggaamiyaha cusub ee Dalka Cumaan kadib dhimashadii ina-Adeerkiis Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid, sidda ay ku warantay Warbaahinta Gudaha ee Cumaan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO


Wasiirkii hore ee dhaqanka ayaa Loo Dhaariyey ka dib markii ay soo gudbiyeen qoyska Boqortooyada

Dastuurka Omani wuxuu dhigayaa in qofka Guuleysta uu u magacowdo qoyska boqortooyada seddex maalmood Gudahood mar Haddii ee Banaanaaday Kursifii Bortooyada ee Dalkaasi .

Suldaanka waa inuu xubin ka ahaadaa qoyska boqortooyada sidoo kale waa in uu ahaada “Muslim, qaan gaar, caqli gal ah.

Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa geeriyooday, isaga oo ay da’diisu tahay 79 jir.

Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top