BREAKING NEWS

Madxwayne Dani Ayaa Xilal kaqaaday kuwana U’Magacaabay Xubno kamida Maxkamada Sare Ciidanka Qalbka side.[Akhriso }

.
Madaxwayne Siciid Cabdullaahi Dani ayaa xilkaqadis kusameeyay Xubno kamida Maxkamada sare ee puutaland ee danbiyada culus kuwa cusubana umagacaabay

Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.
  2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland, kuwaasi oo kala ah:

2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
2.3. G/sare. Aada Xuseen Maxamed Garsoore
2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top