BREAKING NEWS

Maxay Ka shiren RW Kheyre & Wakiilka Qaramada Midoobay {Daawo}

Ra’iisul Wasaaraah Xukuumadda Federaalka ah ee Soomalaiya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Muqdisho Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatey Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulanka ayaa labada masuul waxaa ay uga ka wada hadlaeen qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha mudnaanta qaran leh ee 2020 iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto ahdaafta dalku uu leeyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Qaramada Midobey uga mahad celiyey taageerda ay siiyaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha Amniga iyo dooraashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee dhinacyada,Amniga iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top