BREAKING NEWS

Liisk Cadawga Tababaraha Cusub Ee Barcelona Quiqu setein Oo Lashaaciyay.{Akhriso}

Mauricio Pellegrino
Ka dib markii kooxda Leganes 3-0 uga badisay Real Betis xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, Setien waxa uu weerar ku qaaday kooxda uu tababaraha u yahay Mauricio Pellegrino ee Leganes.

“Ma ahan kuwa jecel inay kubad fiican dheelaan. Kaliya afar sheey ayay si fiican u sameeyaan. Laakiin haddii aad weydiiso inay sideena oo kale u dheelaan berri, waan hubaa inay aad ugu adkaan doonto.”

Markii uu hadalkaan maqlay, Pellegrino ayaa ku jawaabay:

“Kooxaha oo dhan waxay u ciyaaraan qaabab kala duwan” ayuu yiri tababaraha reer Argentina.

“Hal qaab kaliya ma ahan kubada fiican ee waxaa jira qaabab kala duwan oo kubad fiican ah.”

Santiago Canizares
Halyeeyga Valencia Santiago Canizares ayaa isna dhaleeceeyay Setien ka dib dhacdadii Leganes.

“Waxaan mar walba doorbidaa tababare dhibco badan heysta marka loo eego tababare lagu amaano qaab ciyaareedka kooxdiisa” ayuu Twitter ku soo qoray.

Joseba Etxeberria
Isagoo aan magac dhabin Setien, Joseba Etxeberria ayaa isna dhaleeceeyay tababaraha cusub ee Barcelona.

“Waxaan qabaa inaad dhumineysaa sumcad marka aad weerarto qaababka ee loo ciyaaro si aad u difaacdo qaabkaaga ciyaareed” ayuu soo qoray.

“Waa fekerkeyga shaqsiga ah. Ixtiraam dadka kale, adigana waa lagu ixtiraamayaa.”

Diego Simeone
Markii uu Setien tababare ka ahaa kooxda Las Palmas waxay isku dhaceen tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone.

Ka hor ciyaarta oo dhacday bishii Janaayo 2016, Setien waxa uu u sheegay Simeone inuu shaqo fiican qabanayo balse uusan jecleysan qaabka ay Atletico u ciyaarto.

Simeone ayaa u jawaabay Setien ka dib markii ay Atletico 2-0 ku badisay.

“Ma ahan inaad naftaada tababare u noqoto, laakiin waa inaad tababare u noqoto kooxda aad ka shaqeyso” ayuu yiri Simeone.

“Tababare uma noqon kartid inaad si shaqsi ah u hesho baashaal, inkastoo aan ogahay inay jiraan tababarayaal sidaas sameeya.

“Kooxda weerarka badan ma ahan mar walba kooxda ugu fiican, kooxda si agaasiman wax u difaacata ma ahan kooxda ugu xun.”

Jose Bordalas
Colaada ka dhaxeeya Setien iyo tababaraha haatan ee kooxda Getafe Jose Bordalas ayaa ah midka ugu daran.

Waxay soo bilaabatay sannadkii 2013 markaasoo uu Setien tababare u ahaa kooxda Lugo halka Bordalas uu tababare u ahaa kooxda Alcorcon.

Kooxda Setien ee Lugo ayaa looga badiyay 1-0, waxaana uu weerar ku qaaday kooxdii ka badisay.

“Waxaa inaga badisay koox aan u qalmin guusha” ayuu yiri.

“Ma jecli inaan arko ciyaartoy waqtiga dhuminaya.

“Waxaan rajeynayaa in Alcorcon aysan ka mid noqonin kooxaha u dalaca heerka kore sababtoo ah waa xanuun in la daawado iyaga.

“Waa koox ad adag sababtoo ah ma ciyaaraan kubad mana u ogolaadaan kooxaha kale inay kubad ciyaaraan.

“Ciyaarta ayay qasaan, waqtiga ayayna dhumiyaan.”

Tababare Bordalas ayaa ka jawaabay kuna tilmaamay ixtiraamdarro isagoo ugu baaqay maamulka kubada cagta inay talaabo ka qaadaan.

Markii Bordalas uu yimid kooxda Getafe, Setien isna waxa uu tababare ka noqday Real Betis, mar kale waxa uu dhaleeceeyay Bodalas guuldarro kale oo ka soo gaartay

“Waa ceeb runtii, Getafe waa kooxda qaladaadka ugu badan gashay” ayuu yiri.

“Waxay ciyaaraan ma aheyn kubada cagta waa wax kale.”

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top