BREAKING NEWS

Muuse Biixi Oo Amray In Bari La Toogto Lix Maxbuus iyo Laba Nin Oo SSC Kaga jira.

Maxaabiistan majirto wax cadayn ah oo loo hayo ama loo helay dambiyada loo haysto, aan ka ahayn tuhun beelaha nimankani kasoo jeedaan dhexdooda ah oo la xidhiidha Aanooyin qabiil, kuwaaso aan nimankan Maxkamadi ku cadayn.

Waxaa murogo leh in Lix Maxbuus qaarkood dhammaysteen mudooyinkii Xabsi ee lagu xukumay kadib markii cadayn dil loogu xukumi Karo lagu waayey.

Lixda Maxbuus waxay kala yihiin.

1-Farxaan Maxamed Xasan-yare ( xidhnaa 10 sanadood, Qabiikiisa Dhulbahante/ reer Hagar).

2-Cabdillaahi Ismaaciil Xayd ( xidhnaa 10 sannadood Qabiilkiisa Habaryoonis/reer xuseen)

3- Axmed-Guray ibraahin Faarax ileeye ( xidhnaa 11 sannadood, Qabiilkiisa Habaryoonis/reer Caynaanshe)

4- Khadar Aleel ( xidhnaa 16 sannadood Qabiilkiisa, Sacad-Muuse/Jibriil-Abokor).

5- Cabdinaasir Axmed Dawalad ( dhulbaahante -Jaamac Siyaad , xidhnaa 2014-2020)

kan kale iyo magaciisa waa laygu maqan yahay.

Xog aanu ka helayno saraakiil xukuumada katirsan oo magacyadooda codsaday inaan la baahin ayaa waxay noo sheegeen in dadkan loo tooganayo berito wax lagu sheegay Cabsi-gelin, waxay kaloo xuseen in tani tahay laba jeer dhimasho.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top