BREAKING NEWS

Suldaan Siciid Oo Ceerigaabo U Tagay Arrin Adag,

Magaalada Ceerigaabo Xarunta Gobolka Sanaag waxaa Gaadhay Suldaanka Guud ee Beelaha Maakhir Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam.

Suldaan Siciid ayaa u tegay halkaa Ka dib Markii maamulka Hargaysa Odayaal Badan Xabsiga dhigay Kuwaas oo ka Soo jeeda deegaanada Maakhir.

Sidaa Widh Widh Online Xogta ku heshay Suldaan Siciid ayaa damaanad qaaday inuu keenaayo ninkii dilay Sarkaalkii Beesha Isaaq ka soo jeeday ee lagu dilay Carmale kaas oo odayaasha loo xidh xidhay si loo sii daayo Odayaashan

Magacyadda Odayaasha u xidhan Dilkaasi

1-Cali Maxamuud X. Dirir

2- Bidde Cabdi Shire.

3-Cawil Kalago’an.

4- kadawe Jaamac Burkuud.

5- Gurey X. Diraac.

6- Ibrahin Cali Yakhle

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top