BREAKING NEWS

Somaliland Oo Ciidan u Dirtay Boocame.

Wararka Widh Widh Online ay ka heleyso deegaanka Boocame ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay lawareegeen Saldhigii deegaankaas oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Puntland.

Saldhiga deegaanka Boocame ayaa waxaa Ciidamada la wareegay ay yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland oo horey uga mid ahaa Ciidamada Booliska Puntland balse ku biirey Soomaaliland.

Ciidamadaan la wareegay Saldhiga deegaanka Boocame ee Gobolka Sool ayaa waxaa hoggaamkinaya Saraakiil Caanka ah deegaannada Puntland,waxaana la sheegay inay xerada ka taageen Calanka Soomaaliland.

Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliland ay gaareen degaanka Boocame,kuwaas oo Gadiidka nooca dagaalka iyo Ciidamo kale ku kordhiyey Ciidamada la wareegay deegaankaas.

Si kastaba tallaabadaan ay Ciidamada soomaaliland kula wareegen saldhig ay Ciidamada Puntland ku lahaayeen deegaanka Boocame ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Puntland ay horey deegaankaas uga dhistey Saldhig ay sheegeen inay uga hortagayaan weeraro kaga yimada dhinaca Soomaaliland.

|| Warbaahinta WidhWidh Online News Desk ||

-- Nagala soo xariir : WidhWidh@gmail.com

Share this post

PinIt
    scroll to top